1629 Views

Shirkii u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Hay’adaha ku shaqada leh siyaasadda oo soo xirmay

Shirkii u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Hay’adaha ku shaqada leh siyaasadda oo soo xirmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 06, 2018 – Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambayn, waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye isagoo uga mahadceliyay Wasaaraddda Arrimaha Dastuurka doorkeeda qabanqaabineed ee shirka.

arimaha-dastuurka-6 arimaha-dastuurka-1 arimaha-dastuurka-3 arimaha-dastuurka-7 arimaha-dastuurka-2 arimaha-dastuurka-4 arimaha-dastuurka-5

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment