1437 Views

Galmudug oo gacanta ku dhigtay baabuur qarax siday

Galmudug oo gacanta ku dhigtay baabuur qarax siday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Wararka naga oo gaaraya degmada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaariga ayaa la qabtay Kontoroolka laga soo galo Magaalada Caabudwaaq, waxaana ay hadda ku socda Baaritaano kala duwan.

Gaariga la qabtay ayaa la sheegay in jiraan shaqsiyaad la socday oo ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Ciidanka Galmudug.

Saraakiisha Ciidanka Ammaanka Galmudug ayaa lagu waddaa in ay saacaddaha soo socda ay faahfaahin ka bixiyaan gaariga sidday waxyaabaha Qarxa ee ay gacanta ku dhigeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment