792 Views

Trump oo sheegay in uu la hadli doono dadweynaha Maraykanka

Trump oo sheegay in uu la hadli doono dadweynaha Maraykanka
____________________________________________________________________________

 

Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in markii ugu horreysay uu la hadli doono dadweynaha tan iyo markii la shaaciyay guusha Joe Biden kaddib doorashada ka dhacday Mareykanka.

Wuxuu sheegay in uu ka hadli doono barnaamij raadiyaha ka baxa oo uu daadihiyo nin u jaanjeera dhinaca garabka midig oo la yiraahdo Mark Levin.

Sida laga dheehan karo qoraalkiisa, waxay u muuqataa in uu soo celin doono eedeymihii ahaa in wax isbamarin ay jirtay xilligii doorashada, inkasta iyo ilaa haatan uusan heyn wax caddeyn ah.

Si kastaba ma kala cadda in Trump uu la hadli doono dadweynaha inkasta uu horraan bartiisa Twitter-ka uu ku shaaciyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post