4356 Views

Abwaan Cali Sugulle oo Geeriyooday.

____________________________________________________________________________

somaliweek3-215x300

Muqdisho, 11 January 2016: Abwaan Cali Sugule oo ka mid ahaa abwaanadii Soomaaliyeed ee dalka ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta isagoo muddo dheer halkaa ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” R/wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxda dalka ayaa waxa ay eebbe uga baryeen marxuumka inuu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule wuxuu ku dhashay Magaalada Oodweyne sanadkii 1936, Dugsiga hoose Berbera ayuu waxbarasho ka bilaabay kadibna waxa uu markii dambe u wareegay dugsiga Sheekh.

Abwaan Cali Sugule waxa uu ka mid ahaa abwaanadii Soomaaliyeed ee kahor iyo kadib xornimadii dalka ka qeyb qaatay wacyigelinta bulshada waxana uu tiriyay heeso badan oo wadani ah waxaan aka mid ahaa heesihii uu alifay abwaanku:

Abwaanku heesa fradan ayuu lahaa, waxana halkaan ka daawan kartaa Laba mid ah Heesihii uu kaga qaybgalay Hornimo doonki ee ka horreeyay 1960.

Daawasho wacan Abwaan Cali Sugulle Allah u naxariisto, Somalina Samir iyo Iimaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment