282 Views

Kylian Mbappe oo sheegay iney “khiyaano” kula kacday kooxdiisa Paris St-Germain

Kylian Mbappe oo  sheegay iney “khiyaano” kula kacday kooxdiisa Paris St-Germain
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 12, 2022

Kylian Mbappe, ayaa sheegay iney “khiyaano” kula kacday kooxdiisa Paris St-Germain, isagoo carabka ku dhuftay inuu doonayo inuu ka tago kooxda bisha Janaayo, ayuu yiri khabiirka kubada cagta Faransiiska Julien Laurens.

Weeraryahanka reer France, ayaa saxiixay heshiis cusub oo seddex sano ah bishii May, laakiin hadda waxa uu garwaaq saday inuu sameeyay “khalad”.

Mbappe, oo u dhaliyay 12 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kooxda PSG, ayaa doorbidaya inuu u waerego kooxda Real Madrid.

Laakin aggaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG, Luis Campos, ayaa sheegay in 23-sano jirkaan uusan waligii ka hadlin wax ku saabsan ka tagistiisa kooxda bisha Janaayo, ee inagu soo fool leh.

Mbappe ayaa gool u dhaliyay kooxda PSG kulan ay bar-baro 1/1 ah la galeen kooxda Benfica, kulan ka tirsanaa tartanka champions League-ga.

Laurens oo la hadlayay BBC-da ayaa yiri: “Waxa uu dareemaya ciyaar yahanku in kooxdu khiyaamaysay, taasoo la macno ah in dhammaan waxyaabihii ay kooxdu u ballan qaaday markii uu saxiixay qandaraaska cusub ee illaa sanadka 2025-ka ayna dhicin”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post