1284 Views

Ciidanka Amniga oo qabtay xubin ka mid ah Shabaab

Ciidanka Amniga oo qabtay xubin ka mid ah Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Howlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen shantii bishaan Apriil ayaa lagu soo qabtay xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto sidda ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hawlgalku wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah.

Ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada shaqsiggaan.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amnigu ay Caasimadda iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment