3186 Views

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shirka ka furmaya Turkiga

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shirka ka furmaya Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 23, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka qeyb gelaya shir looga hadlayo arrimaha gargaarka Caalamiga oo maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee Turkiga

Kulankaan oo ah kii u horeeyay noociisa ee ay marti geliso dowladda Turkiga ayaa waxaa ka qeyb geli doona illaa 70 Madaxweyne, Ra’iisul Wasaarayaal iyo illaa lix boqol oo aqoonyahano ah oo ka kala yimid meela kala duwaan.

Madaxweynaha ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad dheer uu uga hadlayo xaalada gargaarka Soomaaliya iyo caqabadaha hor yaala.

Sidoo kale Madaxda shirka ka qeyb galeysa ayaa jeedin doona khudbado ay uga hadlayaan xaaladaha gargaarka bani’aadanimada iyo xuquuqda Aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, markii uu ku dhawaaqay dicreeto uu ku meel mariyay heshiiskii hanaanka doorashada 2016, kaasoo muddo uu hor-yaalay Baarlamaanka, isla markaana ay adkaatay inuu meel mariyo, sababta keentana la ogyahay.

Doorasho yaa la filayaa in Soomaaliya bisha Agosto ay ka dhacaan, iyadoo marxalada kala guurka ah ay sababtay khilaafyo siyaasadeed iyo sad-bursi ay wadaan madaxda qaar, waxaana uu wali muran ka taagan yahay in Gobolka Banaadir laga qadiyay saami qeybsiga dhismaha Aqalka sare, in kastoo Madaxweynaha uu arrintaas jid u bixiyay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment