372 Views

Qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliya oo ka horyimid guddi uu guddoomiyaha u magacaabay rabshadaha ka taagan Laascaanood

Qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliya oo ka horyimid guddi uu guddoomiyaha u magacaabay rabshadaha ka taagan Laascaanood
____________________________________________________________________________

Arbaco: JANUARY 4, 2023

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya gaarahaanna kuwa ka soo jeeda Somaliland ayaa ka horyimid guddi gaar ah oo shalay uu magacaabay guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) Guddigaas oo loogu tala galay inuu warbixin kasoo diyaariyo rabshadaha ka socda magaalada Laascaanod ee gobolka Sool.

Xildhibaannada ayaa sababta ay guddigaan ku diidanyihiin ku sheegay in qaabka loo maray magacaabista aaney ahayn qaab sax iyo sidoo kale in xubanaha la magacaabay qaarkood aaney xog badan ka ahayn xaaladda Laascaanood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post