1119 Views

Ninkii Isku Qarxin Rabay Munaasabadii Ahlusunna Oo Maxkamad Lasoo Taagay

Ninkii Isku Qarxin Rabay Munaasabadii Ahlusunna Oo Maxkamad Lasoo Taagay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 23, 2019 –Maxkamadda Darajadda 1aad ee Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga Kiiska Nin lagu eedeeyay inuu ka tirsnaa Al-shabaab, isla markaana doonayay inuu isku qarxiyo Munaasabad ka socotay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Maxamuud Cabdi C/raxmaan oo ah Ninka ay Maanta Maxkamadda u fariisatay dhageysiga Kiiskiisa ayaa la qabtay xili uu doonayay in uu qarax Ismiidaamin ah uu ka fuliyo Munaasaba ay dhigayeen Ahlusunna Waljameeca, taasi oo ka dhacday Guriceel.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa waxaa lasoo taagay Cali Dhubad Nuure Siyaad oo lagu eedeeyay inuu ahaa shaqsigii Guriceel keenay Maxamuud Cabdi C/raxmaan.

 

Fahdiga Maxkameynta raggaas ayaa ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda CQS Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana Guddoomiyaha uu ku dhawaaqay in Go’aanka laba eedeeysame dib looga dhawaaqi doono.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment