1389 Views

Milliteriga Pakistan Oo Toogtay Diyaarad Basaas Oo Laga Lahaa Hindiya

Milliteriga Pakistan Oo Toogtay Diyaarad Basaas Oo Laga Lahaa Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 17, 2019 –Afhayeenka Milliteriga Pakistan, Jeneral Asif Qafuur ayaa sheegay inay soo rideen Diyaarad Drone ah oo shalay ku soo xad-gudbtay Hawada Gobalka kala qeybsan ee Jamu Kashmiir.

 

Qoraal uu Afhayeenka soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Diyaaradaasi wax basaasta oo nooceedu ahaa Quadcopter lagu soo riday qeybta Rakhjikri oo ku teedsan Laynka Kontoroolka ee labada dhinac, oo masaafo ahaan 150-mitir gudaha ugu jirta xuduudka Pakistan.

 

Milliteriga dalalka Pakistan iyo Hindiya waxa ka dhex aloosan xiisad dagaal, iyadoo bishii hore weerar Is-qarxin ah lagu dilay ugu yaraan 40 Askari oo Hindi ah oo ku sugnaa qeybta ay Hindiya ka maamulaan Gobalka lagu murunsan yahay ee Jamu Kashmiir.

Sidoo kale, Diyaarad Dagaal oo ay Ciiddanka Cirka Hindiya lahaayeen ayaa waxaa bishii hore lagu soo riday gudaha Pakistan, iyadoo Duuliyihii nolol lagu qabtay, waxaana maalmo kadib lagu wareejiyey Dowladda Hindiya.

 

Labada dowladood oo haysta Hubka nukliyeerka waxaa horey u dhex maray 3 dagaal sannadihii 1948-kii, 1965-tii iyo 1971-kii, iyadoo 2 ka mid ah dagaalladaasi ay ka dhaceen Gobalka Jamu Kashmiir eek ala qeybsan.

 

 

Xafiiska Qaranimo Online |Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment