897 Views

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo la kulmay Saraakiisha loo xilsaaray Qaraxii lagu dilay Shaafi.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo la kulmay Saraakiisha loo xilsaaray Qaraxii lagu dilay Shaafi.
____________________________________________________________________________

Moggadisho | QOL |  September 15 2020—Magaalada Kismaayo waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Saraakiisha sida gaarka ah loogu xilsaaray dabagalka qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.

Kulamo Tacsi ah oo saddex cishe ka socday Magaalada Kismaayo ayaa lasoo gaba-gabeeyay, waxaana xigay kulankaan Maxamuud Sayid Aadan uu la qaatay saraakiisha Ciidanka si uu uga xog dhageysto ilaa haatan natiijada gacantooda soo gashay.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan gaar ah Sabtidii la qaatay saraakiisha Ciidamada Booliiska, Nabadsugidda iyo Daraawiishta ayaa faray in ay soo gudbiyaan xog dhameystiran oo ku saabsan dadkii ku lugta lahaa qaraxii lagu dilay Guddoomiye Shaafi.

Maadaama Axmed Madoobe uu wadatashi u joogo Muqdisho waxaa howshaas sii wada Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenkiisa 1-aad, dhankiisa waxa uu cadaadis saarayaa guddiga dabagalka qaraxaas Kismaayo ka dhacay Jimcihii 11-kii September 2020.

Nabadsugidda Jubbaland waxa ay gacanta ku heysaa shaqsiyaad lala xiriirinayo qofkii fuliyay ismiidaaminta, dadka kale oo ay uga shakisay Al-Shabaabnimo iyo bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay dhawaan soo bandhigtay.

Diiwaanka shaqsiyaadka la damiinto marka ay tagayaan Kismaayo ayaa la adkeeyay, waxaana ujeedkaas lagu sheegay in lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa dadka aan deegaanka ku ahayn Magaalada ee galaya.

Xaafadaha Kismaayo waxaa ka socda howlgalo joogta ah oo ay wadajir u sameynayaan Ciidamada Nabadsugidda, Daraawiishta iyo Booliiska, sidoo kale deegaannada dhaca duleedka waxaa baaris adag la marinayaa dadka iyo gaadiidka soo galaya Xarunta Jubada Hoose.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post