948 Views

Shir looga hadlayay la dagaalanka maandooriyaha oo lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay la dagaalanka maandooriyaha oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha dhallinyarada degmooyinka kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa wacyigalinta la dagaalanka Maandooriyaha oo xiligaan si xoogan uga socday magaalada Muqdisho.

Kulankani ayaa inta uu socday waxa uu gudoomiyaha warbixina kala duwan ka dhageystay dhallinyaradii kulanka ka qeyb gashay kuwaas oo tilmaamay sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada doorkooda ku aadan la dagaalanka Muqaadaraadka iyo horumarinta dhalinyarada magalada muqdisho

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay dhallinyarada reer Muqdisho iney meel ugu soo wada jeestaan cirib tirka Maandooriyaha oo ah caqabad hor taagan horumarka dhallinyarada iyo Xasiloonida Caasimadda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post