897 Views

MD Farmaajo oo Madaxda Dowlad Goboleedyada kala hadlaya waqtiga la qabanayo shirka labada dhinac.

MD Farmaajo oo Madaxda Dowlad Goboleedyada kala hadlaya waqtiga la qabanayo shirka labada dhinac.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 22, 2020–Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 14-kii bishaan iclaamiyay shir ay isugu yimaadaan Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa maanta la filayaa in uu sameeyo kulan lagu go’aaminayo waqtiga uu qabsoomayo fadhigaas.

Kulanka waxa uu ku qabsoomayaa qaabka muuqaalka fogaan aragga (Video Conference), Waxa uu gogol dhig u yahay fadhiga guud oo ay isugu imaanayaan Madaxda Heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Haddii la go’aamiyo waqti rasmi ah oo ay dhinacyadaan isugu imaanayaan waxa ay kaga wada hadli doonaan shirkaas arrimo dhowr ah sida Doorashada dalka 2020/2021-ka, Amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, Covid-19 iyo xaaladda guud ee dalka.

Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in madaxda Maamul Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir lagu casuumay ka qaybgalka kulankaan, inkasta oo aan la xaqiijin in ay aqbaleen iyo in kale.

Madaxweynaha DFS ayaa madaxda Dowlad Goboleedyada kala xaajoonaya sidii ay usoo xaadiri lahaayeen Shirkaan oo muhiim u ah Xaaladda geeddi socodka dalka oo ay ugu weyn tahay Doorashada dalka oo waqtiga Dowladda uu sii idlaanayo.

Muddo dheer ma aysan kulmin Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada sabab ka dhalatay xiriirka Dowladda Dowladda kala dhaxeeyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Sanad wax ka badan Dowladdu waxa ay diidaneen aqoonsashada Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ugu dambeyn Madaxtooyada Soomaaliya ay 14-kii bishaan u aqoonsatay Madaxweyne KMG ah inkasta oo Axmed uu kahor yimid, sheegayna in uu yahay hoggaamiye sharci ah oo 4-sano heysta.

Muddo labo bil iyo maalmo ayaa u dhiman Xil heynta Labada Gole ee BFS, halka madaxweyne Farmaajo waqtigiisa sharciga uu ku siman yahay 8-da Bisha febaraayo sanadka soo socda 2021-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu labo jeer Baarlamaanka kahor sheegay in dalka ay ka qabsoomeyso Doorasho aan dib ugu dhicin waqtigeeda, waxaa taas kahor yimid Madaxda Xisbiyada Mucaaradka oo sheegay in aysan u muuqan saansaanteeda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post