576 Views

Tijaabada gantaallada: Sawirro aan caadi ahayn oo uu soo qaaday gantaalkii ay K/ waqooyi gantay

____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay sawirro ay sheegtay in laga soo qaaday gantaalkii ugu awooda badnaa ee ay tijaabiso muddo shan sano ah.

Sawirrada aan horey loo arag oo hawada sare laga soo qaaday ayaa muujinaya qaybo kamid ah gacanka Kuuriya iyo deegaanada ku xeeran.

Xukuumadda Pyongyang ayaa xaqiijisay in Isniintii ay tijaabisay gantaal lagu magacaabo Hwasong-12 oo ah nooca gantaallada baalistigada ee riddada dhexe ee loo yaqaan IRBM.

Gantaalkan ayaa awoodi karaya in uu gaaro masaafo gaaraya kumanaan mayl, arrintaa oo ka dhigan in uu gaari karayo gudaha Guam oo ka tirsan Mareykanka.

Tijaabadani ugu dambeysay ayaa mar kale qeylo dhaan ka dhex dhalisay beesha caalamka.

Pyongyang ayaa bishii la soo dhaafay oo kaliya tijaabisay toddoba gantaal ah – arrintaasi oo ay si kulul u cambaareeyeen Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, Japan iyo waddamo kale.

Qaramada Midoobay ayaa Kuuriyada Waqooyi ka mamnuucday in ay tijaabiso gantaalladeeda iyo hubkeeda Nukliyeerka, waxa ayna ku soo rogtay cunaqabatayn adag. Balse dalkaasi ayaa si joogto ah ugu gacanseyrayay xayiraadahaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa Isniintii dhaweyd sheegay in tijaabada cusub ee gantaalkaasi ay muhiim ka dhigayso in wadahadal laga furo xukuumadda Pyongyang.

Sidee ayuu u dhacay tijaabada gantaalka Hwasong-12?

Waddamada Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa ugu horreyntiiba shaaciyay tijaabada gantaalkaasi maalintii Axadda ahayd kaddib markii qalabkooga ka hortagga gantaallada uu arkay gantaalkaasi.

Waxa ay ku qiyaaseen in gantaalkaasi uu ku socday xawaare dhex dhexaad ah oo uu gaaray masaafo dhan ilaa 800km iyo joog dhan 2,000km ka hor inta uusan ku dhicin biyaha Japan. Marka uu awood buuxda ku socda ayaa la sheegay in gantaalkaasi uu gaari karayo ilaa 4,000km.

Kuuriyada Waqooyi ayaa warbixinnada ay dowladdu maamusho ku xaqiijisay tijaabada gantaalkaasi. Tijaabooyinka gantaallada dalkaasi ayaa inta badan waxaa lagu shaaciyaa warbaahinta dowladda maalin kaddib marka ay dhacdo tijaabadaasi.

Wakaaladda wararka ee dawladda ee KCNA ayaa sheegtay in tijaabada gantaalka looga gol-lahaa “xaqiijinta saxnimada bartilmaameedkiisa”.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale daabacday sawirro aan horey looga baran, kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in ay ahaayeen kuwo lagu qaaday kaamerad ku rakiban madaxa gantaalkaasi.

Mid ka mid ah sawirradaasi ayaa muujinaya xilliga gantaalkaasi la tijaabinayay halka mid kale uu sida muuqata muujinaya gantaalka oo hawada ku jira korna laga soo sawiray.

Hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un ma uusam joogin goobtii ay tijaabadaasi ka dhaceysay balse saddex usbuuc ka hor waxa uu joogay goob lagu tijaabinayay gantaal nooca aad u dheereeya ah oo loogu talagalay in aysan soo qaban qalabka ka hortagga gantaallada. Gantaallada noocaasi ayay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay muddo saddex jeer ah.

Maxay Kuuriyada Waqooyi u tijaabineysaa gantaalladeeda?

 

Ankit Panda oo ka faalooda arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaya in maqnaanshaha hoggaamiyaha dalkaasi ee Kim iyo luqadda lagu isticmaalo warbaahinta ee lagu qeexayay gantaalkaasi, ay muujineyso in tijaabadan looga gol-lahaa oo kaliya in la hubiyo in gantaalkani uu u shaqeeynayo sidii la rabay iyo in kale, oo uusan ahayn bandhigga tignoolajiyad cusub oo dhanka gantaallada ahi.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo la tijaabiyo Hwasong-12, oo ah gantaal xambaari kara Nukliyeerka oo aad u weyn tan iyo markii Kuuriyada Waqooyi ay wada-hadallo la gashay Mareykanka xilligii maamulkii hore ee madaxweynaha Donald Trump – kuwaasi oo keentay in uu gaabis ku yimaado tijaabadii gantaallada Kuuriyada Woqooyi.

Markii ugu dambeysay ee la tijaabiyay gantaalka Hwasong-12 waxay ahayd 2017, markaasi oo Pyongyang ay tijaabisay lix jeer oo laba ka mid ah uu gantaalkani dul maray jasiiradda Japan ee Hokkaido, taasi oo sababtay in cabsi weyn ay la soo deristo dadka deggaankaasi deggan.

kaddib markii hoggaamiyana Kuuriyada Woqooyi uu la kulmay madaxweyne Trump sanadkii 2018, Kuuriyada Waqooyi waxa ay ku dhawaaqday in ay joojisay tijaabada hubkeeda Nukliyeerka iyo gantaaladeeda riddada dheer ee qaaradaha isaga kala gudba ee ICBM-ta loo yaqaan. Haseyeeshee sanadkii xigay, ayuu Kim sheegay in arrintaasi ay meesha ka saarayaan maadaama uu sii xumaanayay xiriirka labadani waddan.

Axadii dhaweyd ayaa madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in waxa uu sheegay in tijaabadii ugu dambeysay ay ka dhigan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay “ku dhawaatay in ay jebiso xayiraaddii tijaabada hubka ee ay isku soo rogtay”.

Waxaa jira sababo dhawr ah oo kor u qaadaya tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi ee sanadkan, kuwaa oo lagu daahfuray khudbadii sanadka cusub ee hoggaamiyaha dalkaasi.

khubaradu ayaa waxa ay sheegayaan in tijaabooyinkani ay ka tarjumayaan rabitaanka Kim ee ah in uu Mareykanka ku cadaadiyo in uu dib ugu soo laabto wadahadallada Nukliyeerka ee muddada dheer hakadka ku jiray iyo in uu soo bandhigo awood muujinaysa quwadaha dalka uu ku leeyahay gobolka iyo caalamkuba.

Xilliga lagu soo beegay tijaabada gantaalkani ayaa sidoo kale muhiim ah, waxaana lagu soo beegay wax yar ka hor inta aysan furmin ciyaaraha olombikada ee xilliyada qaboobaha ee Beijing iyo ka hor doorashada madaxtinnimada Kuuriyada Koonfureed ee dhici doonta bisha Maarso.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya dhaqaale xumida Kuuriyada Waqooyi ee ka dhalatay cunaqabateynta uu Mareykanku ku soo rogay dalkaasi, dhibaatooyinka cudurka Covid-19 iyo maamul xumo soo jirtay tobanaan sano.

Horaantii bishan, ayaa Mareykanka waxa uu cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogay Kuuriyada Waqooyi.

Wax ka ogow gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay ku faaneyso ee New York gaari kara?

Markii uu Kim Jong-un dilay adeerkiis ninkii lacagta u keeni jiray muxuu sameeyay?

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post