606 Views

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Somaliya oo la kulmay James Swan

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Somaliya oo la kulmay James Swan
____________________________________________________________________________

..

January 11, 2021

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Cusman , ayaa kulan la qaatay Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka, isagoo daaha ka qaaday in dowladdu ay latashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taas oo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah. Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post