2067 Views

Soomaaliland oo deegaanadeeda ka mamnuucday hay’ado ka diiwaan gashan Soomaaliya

Soomaaliland oo deegaanadeeda ka mamnuucday hay’ado ka diiwaan gashan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 16, 2018 – Wasaaradda qorsheynta  Somaliland ayaa markii ugu horeysay faah-faahin ka bixisay lix hay’adood oo ah kuwa samafalka oo maxaliga ah oo ay xukuumaddu kala noqotay ruqsadii ay kaga shaqeyn jireen deegaannada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Eng Xuseen Ibraahim Buuni,ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aankaa xukuumadda ay shaqada uga joojisay hay’adahaasi.

Waxa uu sheegay in lixdaas hay’adood ay jebiyeen xeerka u yaalla hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in hay’adaha laga mamnuucay in ay ka shaqeeyaan Soomaaliland ay yihiin kuwo ka diiwaan gashan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay,isla markaana aan la aqbali karin.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment