1596 Views

Soomaali xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Soomaali xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, 2018 – Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay deegaanka soshanguve oo ku dhaw magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, sidda ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen muwaadiniintan oo ku sugnaa irida goobtooda ganacsi, waxaana kooxdan ay ku fureen rasaas, isla goobta ayayna ku geeriyoodeen.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Muumin Xuseen Wehliye iyo Aweys Sheekh Cali, iyada oo markii dambe ay halkaasi meydadkooda ka qaadeen booliska Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee dilalka muwaadiniintan ayaa qeyb ka ah ugaarsiga xargaha goostay ee had iyo jeer lagu naf-gooyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa u nolol iyo shaqo tagay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Jamaal Barow ayaa maalmo kahor sheegay inay wax ka qabanayaan dilalka loo geysto Soomaalida, balse weli ma muuqato talaabo arrintan loo qaaday.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment