1071 Views

Dowladda oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso sharikado dayacay Xujeyda

Dowladda oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso sharikado dayacay Xujeyda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 10, 2019 —Wasiir ku xugeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay qaar ka tirsan Shirkadahii keenay xujeyda in ay si khaldan u maamuleen guryahii Xujeyda ee Mina.

 

Wasiirka oo ka mid ah Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Kormeerida Xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen Dayacaad weyn.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood.

 

Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment