1677 Views

Guddoomiye Eng. Yarisow “Musuq-maasuqa waa in la dagaallankiisa meel looga soo wada jeestaa”

Guddoomiye Eng. Yarisow “Musuq-maasuqa waa in la dagaallankiisa meel looga soo wada jeestaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 07, 2018 –  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka sanadlaha ee xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda, isagoo xusay in maamulkiisu uu meel adag ka taagan yahay la dagaalanka Musuqa oo dhowr jeer caddaaladda la horgeeyey xubno lagu tuhmay musuq-maasuq oo ka tirsanaa shaqaalaha iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhowaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay wacyigelin baahsan oo lagula dagaalayo dhaqanka maamul xumada iyo fahamka dowladda, maadaama uu musuqmaasuqu yahay midka dalkan dib u dhigay loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto ciribtirkiisa, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan maamulkooda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment