207 Views

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay difaaci doonaan shacabka Laascaanood

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay difaaci doonaan shacabka Laascaanood
____________________________________________________________________________

Isniin: January 2, 2023

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta Laas-Caanood oo ah magaalo madaxda gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa xaaladda ka soo korortay magaalada ku tilmaamay nasiib-darro.

“Haddii ay Somaliland qaadan weydo baaqyada shacabka Laascaanood kasoo yeeraya ee ay ku dalbanayaan inay ka baxdo Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, Puntland waxay diyaar u tahay tallaabo kaste oo suuragal ah inay qaaddo,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Xiisaddaas ayaa keentay in halkaa ka barakacaaan dadka qarkood iyagoo ka baqaya in ay waxyeello ka soo gaarto sika hor immaadyada ka dhacaya halkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post