633 Views

Maamulka Somaliland oo burburisay Guryo ay deganaayeen dad rayid ah

Maamulka Somaliland oo burburisay Guryo ay deganaayeen dad rayid ah
____________________________________________________________________________


Axad: December 5, 2021

Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Somaliland ayaa saaka Cagaf Cagaf gelisay qeybo ka mid ah Guryo ay deganaayeen dad rayid ah Xaafadda Xero-aboo ee Magaalada Berbera.

Qof kamid ah dadka Magaalada Berbera ayaa sheegay in Saaka Salaadii hore ay Dawladda Hoose bilowday duminta guryaha xaafadda xero-aboo iyada oo la arkayey dumar iyo Carruur waran laamiga dhiniciisa oo ah dadkii guryahooda la dumiyey

Dadka guryoodi la dumiyey ayaa la sheegay in saaka cagafta uun la galiyey guryahooda oo haatan ay ku mashquulsan yihiin sidii ay Carruurtooda halkaasi uga saari lahayeen.

Xoghayaha dowladda Hoose ee Magaalada Berbera oo goobjoog ka ahaa howlgalka burburinta ayaa sheegay in uu dib ka faah fahain doono sababaha keenay in la burburiyo Guryaha ay deganaayeen dadka rayidka ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post