729 Views

Taalibaan oo ku dhawaaqday 20 sano kadib in uu dhamaday Dagaalkii Afghanistan

Taalibaan oo ku dhawaaqday 20 sano kadib in uu dhamaday Dagaalkii  Afghanistan
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Ururka Taalibaan oo shalay qabsaday  xarunta madaxtooyada Kabul, ayaa ku 20 sano ka socday waddanka dhawaaqday in uu si rasmiya u dhammaaday dagaalkii in ka badan Afghanistan.

Af-hayeenka xafiiska siyaasadda ururka Taalibaan, Maxamed Naciim ayaa sheegay in dagaalkii Afghanistan uu ku dhammaaday guul ka dhalatay miraha halgankii shacabka dalkaas.

“”Waxaan gaarnay wixii aan raadinaynay oo ahaa xorriyadda dalkeenna iyo madaxbannaanida dadkeenna. Ma oggolaan doonno in dad kale ay dhulkeenna u adeegsadaan goob dagaal, ayn ku beegsado dad kale, inaguna ma doonayno inaan dadka kale waxyeello u geysanno” ayuu yiri Af-hayeenka.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalka isaga baxay Axaddii Shalay, kadib markii Taaliban ay soo galeen caasimadda Kabul, isagoo sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado ‘dhiig daata’.

Taalibaan waxay ku qaadatay inay gebi ahaabna qabsato Afghanistan muddo ka yar laba todobaad, iyadoo ugu dambeybtiina ay shalay gacantooda soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post