1353 Views

Luuqad ay 800 oo qof ku hadlaan oo dhawaan la qoray

Luuqad ay 800 oo qof ku hadlaan oo dhawaan la qoray
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 16, 2019 Luuqadda Sanna ayaa ah luuqad carabi iyo Aramaic oo isku dhaf ah, waxaana looga hadlaa tuulada Kormakitis, oo ku taalla jasiiradda Qubrus waxa ayna hay’adda Unesco dhawr jeer sheegtay in luuqaddaasi ay halis ugu jirto in ay qadka ka baxdo.

Haweeneey da’ah oo aan magaceeda la sheegin ayaa tiri: ”inta aanu noolnahay luuqadeena weli waa ay nooshahay oo luuqadeena weli ma aysan lumin”, ”Marka aanu geeriyoono markaas uun bay iyadana lumeeysaa”

Luuqaddaan ayaa ah luuqad aan horay loo qorin, waxaana ku hadla ilaa 800 oo qof oo ku nool tuulada Kormakitis, oo ku taalla jasiiradda Qubrus.

Antonis skoullos oo ka mid ah bulshada ku hadasha luuqadda Sanna ayaa sheegaya in dad badan ay isaga weydiyaan sababta ay muhiim ugu tahay in luuqaddaan ay dib u soo noolaato waxa aana ugu jawaabaa:

”Sanna waa luuqad qadiimi ah oo ka turjimeeyso jiritaankeena, marka iyada la’aanteed ma hiigsan karno wax mustaqbal ah”.

Bulshada luuqaddaan ku hadasha waxa ay awoow-yaashood jasiiradda Qubrus Yimaadeen qarnigii 8-daad waxa ayna ka soo haajireen waddamada Suuriya, Lubnaan iyo Falastiin.

Haweeneey da’ah oo lagu magacaabo Eleni oo iyadana ka mid dadka deggan tuulada Kormakitis ayaa sheegeysa in tuuladaan ay ku dhalatay oo la’igu guday sidoo kalana lagu guursaday isla tuuladaan.

”Tuuladaan ayaan ku noolaa weligey ilaa iyo inta aan da’dan ka soo gaarayay, waxaana halkaan ku duugan seeygeyga, marka aan anigu geeriyoodana waxa aan doonayaa in la’igu duugo qabri dhinaca ku haya kan seeygeeyga uu ku duugan yahay”. Ayay tiri Eleni.

Qofka ugu yar ee luuqadda Sanna ku hadlo waxa jiraa 50 sano. Dadka tuuladaan ayaa ka qaxay markii Turkiga uu qabsanayay jasiiradda Qubrus sannadkii 1974-tii.

Haatan koox ah, dadka luuqadaha badan ku hadla ayaa biloowday in ay luuqadda Sanna u sameeyaan alifbeeto, waxaana haatan lagu hawlan yahay in luuqadaan laga turjumo buugaagta ku qoran luuqadaha kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment