975 Views

SAWIRO:-Kulanka Golaha Shacabka oo furmay & Wasiirada oo ku sugan

SAWIRO:-Kulanka Golaha Shacabka oo furmay & Wasiirada oo ku sugan
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 8, 2019 | QOL |   –Waxaa Goordhaw furmay kulankii gaarka ahaa ee Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay su,aal  ku weydiinayaan Wasiirka Amniga Maxamed Abuur Isloow Ducaale iyo Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar),waxaa sidoo kale kulanka ku sugan Taliyaha Ciidanka Booliska Xasan Maxamed Xijaar.

 

Kulanka waxaa shir guddoominayo Guddoomiye ku xigeenka kookoobaad  ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Sheekh Muudey,waxaana Goobjoog ka ah oo soo xaadiray 120 mudane.

 

 

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Wasiirada waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xayiraadii Madaxweynayaashii hore iyo qodobo kale oo quseeya Shaqadooda

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment