645 Views

Dadka Muqdisho oo dib ugu noqonaya isticmaalka Dhuxusha

Dadka Muqdisho oo dib ugu noqonaya isticmaalka Dhuxusha
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 3, 2021

Xili uu caalamka kasii guurayo tamarta laga dhaliyo Dhuxusha, ayaa magaalooyinka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho waxey dad badan bilaabeen iney dib ugu noqdaan Dhuxusha, kadib markii uu qaali garoobay Gaaskii wax lagu karsanayey.

Waayadii dhawaa qoysas badan iyo maqaayadaha ayaa bilaabey iney Gaaska isticmaalaan. Kolkii hore qiimaha Gaaska lagu helo wuxuu ahaa 17 illaa iyo 20 Doolar, isagoo haatan gaarey illaa iyo 30 Doolar.

Shamso Cabdulraxmaan Sheekh Cumar, oo kamid ah dadka dib ugu laabtey ku karsashada Dhuxusha ee cuntada, ayaa BBC-da u sheegtay in qiimaha cirka isku sii shareeraya ee Gaaska, ay sababtay in gurigeeda laga isticmaalo Dhuxusha, oo laga guuro Gaaska ay shidan jireen.

Durba waxaa camirmey suuqyada Dhuxusha, iyadoo uu kordhey dalabkeeda, sababo la xiriira in dad badan aaney goyn Karin qiimaha Gaaska.

Khuburada deegaanka, ayaa ka digaya in dadka qaarkii ay dib ugu laabtaan isticmaalka Dhuxusha, iyagoo ku booriyey dadweynaha iney baadi goobaan wax u badala Dhuxusha, si loogga hortago nabaad guur ku yimaada deegaanka

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post