2307 Views

Shirka mucaaradka ee Nairobi iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed

Shirka mucaaradka ee Nairobi iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 23, 2019 – Shacabka Soomaliyed intooda wax ku oolka ahi waa kuwo ka biyodiidsan oo ganafka ku dhuftay war murtiyeedka kasoobaxay shirkii Nairobi, kasoo u muuqday waran waryo iyo war aan raad lahayn, waxaana kamuuqday war murtiyeedkooda masayr siyaadeed oo aan ka madhnayn shaqsiyaad nacayb tusaale ahaan.

  1. Xubnaha, xisbiyada iyo xildhibanada fara ku tiriska ah ee isugu tagay Nairopi waa kuwo ku doodaya hanalaga badalo Ra’isalwasaraha iyo xukuumadiisa taasoo aad moodid inay kaboodayan shuruucdii inootalay iyo qaabkii wax lagu dooran jiray waxna lagu ridi jiray oo ahaa baarlamaani.
  2. Iyagoo ku goodinayey shirwayne qaran, iyo in xukumadu is casisho halkaana aad moodid inay sheeganayaanba dawladkale oo dawlada ka agdhisan taasoo ah qaran duminta bilawgeeda.
  3. Iyo inay ku jiraan shaqsiyaad aan idmanayn ama aan lasoodooran oo aan haysan mandate ay warmurtiyeed ku soosaaran.
  4. Waxayna u muuqdaan inay wadankooda ka doorbidayaan dowlado kale oo qarankeena (Soomaaliya) heshiis ahyn inay is xejiyaan.

Sida laga warqabo maanta xukuumada jirta waa xukumad ku daadashay inay soo celiso qabkii umada Soomaliyeed, dadaalna ugu jirta dhisida qaran taaba gala, guulo waawayna kasoo hoysay, dhinaca dhaqalaha, arimaha dibada, dibu habaynta ciidanka, mushahar bixinta,dib ucusboonaysiinta shaqalaha dawlada, amniga, siyaasada I.W.M.

Sidaa daraadeed, waxaa nasiib daro ah shaqsiyaad qaranka xilal ka sooqabtay iyo kuwo hada xil hayo masuuliyado sida xildhibaano inay iyagoo danahooda gaarka ah fiirinaya ukala baratamaan dawlado ku foogan qarankeenu inuusan dhismin waana arin shacabka Soomaliyeed niyadjab kuriday in mucaradku isugu tagaan jaalna la noqdaan dawlad aan xidhiidhkenu wanaagsanyn oo duulan ku ah khayraadkena sida dawlada Kenya.

Shacabka Soomaaliyeed maanta waa kuwo taageersan horumarka laxaadka leh ee dawladu dalkeeda iyo dadkeeda uqabanyso inaan la hor istaagin.

 

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment