123 Views

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo la filayo inay fool ka fool isku arkaan

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo la filayo inay fool ka fool isku arkaan
____________________________________________________________________________

Dawladda Talyaaniga ayey wararku sheegayaan inay marti galin doonto shir madaxeed ay isugu keenayso madaxda dalalka Afrika.

In ka badan kala bar dalalka qaaradda ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedkaas oo maalmaha soo socda lagu wado inuu ka billowdo magaalada Roma, waxaana la filayaa inay ka qayb galaan oo ilaa hadda casumaadda aqbalay 15 madaxweyne iyo 8 ra’iisul wasaare. Waxaa kaloo jira wakiillo ayagana ka socda dalal kale oo Afrikaan ah, iyo wufuud guud ahaan tiradooda lagu sheegay 57 wafdi.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedkaas ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Wararku waxay sheegayaan sheegayaan in ujeddada shirku tahay in dawladda talyaaniga ay dalalkaas Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo Piano Mattei – Qorshaha Mattei – oo dadka u dhuundaloola arrintaas ay ku macneeyeen inuu la mid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida ka dib dhaqaale ahaan lagu caawiyey Yurub sidii ay burburka dagaalka uga soo kabsan lahayd.

Qorshaha Piano Mattei ayaa leh qodobbo ay ka mid yihiin horumarinta iskaashiga, dhiirri galinta dibad wax u dhoofinta iyo maal gashiga, waxbarashada, tababarrada mihnadeed, cilmi baarisyada, caafimaadka, beeraha iyo cunnada, iyo qaar kale oo ay ka mid yihiin biyaha iyo tamarta, dhowrista deegaanka, la qabsiga cimilada, casriyeynta iyo xoojinta kaabayaasha iyo qaar kale.

Walow ajedaha ay qodobadaas ku jiraan, misna ilo ku dhow diblomaasiyiinta qabanqaabada shirka wada waxay noo sheegeen in mushkiladda ka aloosan geeska Afrika aysan meesha ka marnayn. Ma cadda sida la doonayo in loo wajaho, hase yeeshee Talyaanigu “wuxuu ka gaabsanayaa sida ay diblomaasiyiintaas sheegeen inuu culays ku saaro in dalalka geeska ee muranku u dhaxeeyo ay wada fariistaan oo ay wada hadlaan” sida ilahaas laga soo xigtay.

Waxay intaa ku dareen in ay suurtogal tahay in talyaanigu “u kala dab qaado dhinacyadaas muddada shir madaxeedku socdo ama ay dhici karto in kulamo aan rasmi ahayn ay yeeshaan, bacdamaa shir madaxeed laga wada qayb galayo, casho sharafna la isugu imaan doono habeenka Axadda, taasoo uu marti qaadkeeda fidiyey madaxweynaha Talyaaniga ”.

Dalalka gobolka oo Soomaaliyana ku jirto weli kama aysan hadlin, laakinse mas’uul ka tirsan xukuumadda Soomaaliya wuxuu BBC u xaqiijiyey in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka ka qayb galayo

Shir madaxeedkan ayaa ku soo aadaya ayadoo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay debciyeen siiqada adkayd ee luqadda ay is dhaafsanayeen wixii ka dambeeyey 1dii Janaayo, markii heshiiska is faham ee xiisadda dhaliyey ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa kaloo shir madaxeedka ka qayb galaya urur goboleedyo uu ka mid yahay midowga Afrika oo hore ugu baaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada fariistaan oo ay ka wada hadlaan arrimaha u dhaxeeya.

Sida ay sheegayso Shukri Said oo ah saxafiyad deggan Roma, madaxda hay’ado calami ah oo ay ka mid yihiin midoga Yurub, IMF, bankiga adduunka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay shirkaas ka qayb galaan.

Dhaqaalaha qorshahan ayaa lagu wada inuu ka yimaado lacago ay bixinayaan dalalka hodanka ah iyo ururrada caalamiga ah ee midowga Yurub uu ka mid yahay, ayadoo sidoo kalena la filayo in Talyaanigu uu ku yabooho 4 – 6 Bilyan oo dollar oo ka mid ah dhaqaalaha qorshayaasha ka soo baxaya shirka lagu fulinayo.

.

Xigasho: BBC Somali

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post