2196 Views

R.Wasaare Khayre Oo U Duulay Magaalada Brussels

R.Wasaare Khayre Oo U Duulay Magaalada Brussels
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa Maanta waxa uu u ambabaxay Magalada Barasalis ee Wadanka Biljamka,halkaaso oo uu shir uga qeyb gali doono.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa ka hor safarkiisa ee Wadanka Biljamka waxa uu Garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda Xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya ee dalka Burundi uga  qeyb galay tartanka Bariga & Bartamaha Afrika.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Bilkamka waxa uu uga qeybgeli doonaa shir looga hadlayo dib-udhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidoo amniga dalka ay kala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM

Shirkaas ayaa waxaa ka qeybgalaya Madax ka socota dowladaha taageera Soomaaliya iyo Hay’addaha deeqaha bixiya.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

—————————————————————

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment