852 Views

Guddoomiye Cusmaan Barre oo ka horymid xilka qaadis la sameeyey

Guddoomiye Cusmaan Barre oo ka horymid xilka qaadis la sameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa la sheegay in uu kasoo horjeestey xilka qaadis uu dhawaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle ku sameeyey guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale.

 

War kasoo baxey Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Waare uusan xiligaan awood u laheyn in sameeyo xilka qaadis iyo Magacaabis sababo la xiriiro in uu dhamaadey muddo xileedkiisa.

 

“Waare xilligaan ma sameyn karo xilka qaadis iyo Magacaabis waayo waxaa dhamaadey muddo xileedkiisa,sida uu qabo Dastuurka Hir-Shabeelle marka la gaaro Lixad bilood ee ugu dambeyso ma jirto cid la magacaabi karo ama laga qaadi karo xilka  sidaas darteed dastuurka ma waafaqasano wareegtadii xilka looga qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa lagu yiri” Warka guddoomiyaha.

 

Warka ka soo baxay guddoomiyaha Baaralmaanka Hir-Shabelle ayaa imaanayo xilli uu ka kasoo horjeestay xilka ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caarale,iyada oo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan markii Saddexaad loo Magacaabey Cali Jeyte Cismaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment