945 Views

Abdulfataax Al Sisi oo booqasho ku tegay Jabuuti isagoo la kulmay dhiggiisa Geelle.

Abdulfataax Al Sisi oo booqasho ku tegay Jabuuti isagoo la  kulmay dhiggiisa  Geelle.
____________________________________________________________________________

May 27 2021

Madaxweynaha dalka Masar Abdulfataax Al Sisi ayaa booqasho ku tegay dalka Jabuuti isagoo halkaa kula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Masar ayaa soo bandhigay qorshayaal lagu xoojinayo xiriirka amniga iyo millitariga ee kala dhaxeeya gobolka Badda Cas ee Jabuuti, maaddaama Qaahira ay xoojineyso xiriirka bariga Afrika halka uu ku dhexjiray muran ka dhashay isticmaalka Itoobiya ee webiga Nile.

Labada madaxweyne ayaa si wada jir u qabtay shir jaraa’id ka dib kulankoodii gaarka ahaa.

Wadahadalkii maanta oo Khamiis ah, ee u dhexeeyey Abdel-Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle, ee ka dhacay Jabuuti wuxuu yimid iyada oo ay jiraan “duruufo aan caadi ahayn” iyo isku khilaafyo dhanka “loolanka awoodda muhiimka ah” ee Geeska Afrika ah, ayuu Sisi ku yiri hadal uu soo saaray kulanka ka dib.

saga iyo Geelle “waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga si loo taageero amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo in si wada jir ah looga hortago faafidda khilaafaadka dalalka deriska ah, kuwaas oo khatar gelin kara xaaladda nabadda iyo amniga ee qaaradda Afrika ee aan jecelnahay,” ayuu yiri Sisi.

Booqashadan, oo ah tii ugu horreysay oo madaxweyne Masar ah ku tago Jabuuti, tan iyo markii xorriyadda ay qaadatay sannadkii 1977, waxay dhacday maalin ka dib markii ciidanka Kenya ay sheegeen in ay “heshiis farsamo oo iskaashi difaaca ah” la saxiixdeen militariga Masar.

Waddanka Waqooyiga Afrika ayaa bilihii la soo dhaafay heshiisyo isku mid ah la galay Suudaan, Burundi iyo Uganda.

Dalkii uu hore u guumaysan jirey Faransiiska ee Jabuuti, oo dhul ahaan aan weynayn, isla markaana martigaliya saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalalka shisheeye ee Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa marin muhiim u ah xidhiidhka ganacsi ee ay la leeyihiin Itoobiya.

Itoobiya ayaa meel marisay wajigii koowaad ee buuxinta biya xidheenka webiga Nile, sanadkii hore, waxayna sheegtay inay bilaabi doonto wejiga labaad agagaarka bisha July.

Dhinaca Masar iyo Suudaan waxay ku tiirsan yihiin webiga Niil oo ay ka helaan biyo macaan, una adeegsadaan dalagga beeraha, waxayna ku boorinayeen dhexdhexaadin dheeri ah oo caalami ah in la helo, si looga heshiiyo hawsha ku saabsan buuxinta iyo ku shaqeynta biyo xireenka ka hor inta aan tallaabada la qaadin.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ay Masar iska kaashan doonaan xidhiidhka iyo soo dhawaynta shacabka Geeska Afrika iyo kuwa Carabta, gaar ahaan ammaanka geeskana ay si wada jir uga wada qayb qaadan doonaan.

Al-Sisi ayaa horay uga digay in Itoobiya aysan “taaban dhibic” biyaha Masar ah, halka uu soo dhaweeyey xalka wadahadalka.

Suudaan ayaa toddobaadkan sheegtay inay hayso caddeyn muujineysa in Itoobiya ay dib u billowday buuxintii biyaxidheenka, sheegashadaas oo waddanka geeska Afrika ku yaal ee Itoobbiya uu beeniyay.

“Biyo-xireenkan ayaa saameynaya danaha muhiimka ah ee gobolka oo dhan,” ayuu Al-Sisi ku yiri bayaanka.

Wuxuu yiri waa lama huraan in la gaaro heshiis cadaalad ah “oo fuliya danaha dadka oo dhan isla markaana xoojiya iskaashiga iyo isdhexgalka wadamada iyo shucuubta gobolka.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post