957 Views

Al-Shabaab oo qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo shalay la dhisay. Sawiro

Al-Shabaab oo qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo shalay la dhisay. Sawiro
____________________________________________________________________________

Axad: September 19, 202

Warar kala  duwan ayaa ka soo baxaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo sheegaya in maleeshiyaadka  kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte.

Wararka ayaa sheegaya in garoonka oo ahaa mid la habeeyay  dhowaan lagu sameeyey dib u dayactir balaaran.. waxaana la sheegay in Garoonka dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayna gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac.

Sidoo kale Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

about:blank Dhinaca  kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga  howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post