1083 Views

Ciidanka dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco , Feberaayo 21, 2020 —Ciidanka ka tirsan kuwa dowladda oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal ka wadaan deegaano duleedka ka ah degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

 

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay Maalin ka hor sheegeen in howlgalkaas ay dhowr tuulo kula wareegeen,sidoo kalena ay ku doonayaan inay Al-Shabaab kaga saaraan degmada Jamaame.

 

 

 

Taliyaha Guutada 11aad Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Sare Maxamed Xasan Badal ayaa sheegay in howlgalkaas ay intiisa badan guulo waaweyn ka gaareen,isla markaana ay sii wadi doonaan.

 

Isaga oo la hadlayay Taliyaha Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in qorshaoodu uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Daraawiishta Jubbaland ay wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaayo kala duwan,kuwaas oo halkaasi siwyen looga dareemay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment