2637 Views

Xarunta Diyaaradaha Somalida ka jarato Tigitka ugu Wayn xaafada islii ee Dhaqane Travel Agency oo Saxmad laga dareemayo Sawiro

Xarunta Diyaaradaha Somalida ka jarato Tigitka ugu Wayn  xaafada islii ee  Dhaqane Travel Agency oo Saxmad laga dareemayo Sawiro
____________________________________________________________________________

Tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii oo ay Bur burtay Dowladii dhexe ee Somaliya, waxaa somalida u kala firxaday Caalamka, waxaa ka mid ah dalalkii ay sida aadka ah u dageen dalka Kenya.

Waxaa Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii  oo ah dhul Somalida ay aad ugu safarto laga dareemayaa marka aad tagto, saxmad aad u wayn Xarunta Dhaqane Travel Agency  oo ku taala Suuqa Dahabka ama  maashka  ee xafada islii ee magaalada Nairobi.

Xaruntaan ayaa waxaa laga dareemayaa Usbuucyadii la soo dhaafay Saxmad aad u balaaran, waxaana tani ay imaanaysaa Xili bilo ka hor Xayiraadii saarneed dhinaca socdaalka soo galitaanka Dalka Kenya laga qaaday.

Dhaqane Travel Agency and Cargo ayaa waxay Xarumo kala duwan ku leedahay xaafada islii, waxayna tahay Xarunta ugu wayn xaafada islii ee laga Jaro Tigtka ee Soomaalida leedahay, waxaana ka Helaysaa Marka aad Tagto adeegyo kala Duwan, sida Visoyinka Dal ku Galka sida Visaha Somaliya looga imaado, kuwa  Dalka Kenya lagu soo galo ama kuwa looga baxo, waxaana xaruntaan Marka aad tagto kuugu Diyaar ah dhalinyarto loo  Carbiyay soo dhawaynta iyo u adeegida Macaamiisha.

Abuukar dhaqane oo ah Maamulaha Dhaqane Travel Agency and Cargo ayaa waxa uu yahay shaqsi bul;shada Soomaaliyeed ee Dagan Kenya gaar ahaan xaafada islii aad u amaanaan.

“ Waxaan Tigitka iga Bixiyay Qeyr allaha Siiyee,  Abuukar dhaqane oo ah Maamulaha Dhaqane Travel Agency and Cargo, Waxaan Mudooyinkaan ku xayirnaa Sababo dhaqaale  Dalka Kenya, waxaan Somalida ka Codsaday in ay iga baxshaan Tigitka si aan ugu laabto dalkii Hooyo ee Somaliya oo aan kai mid, waxaa la ii geeyay nin la Yiraah   Abuukar dhaqane oo ah Maamulaha Dhaqane Travel Agency, Markii la ii  sheegay in Go- Home la ii soo sameeyo kadibna Tigit la ii Gooyo, ayuu I waydiiyay magacayga dadeeyda, waxa uuna  Markii lacagta loo dhiibay isla Markii uu Gacanta ii galiyay lacagtii waxay ila Noqotay lama Filaan Wax la ii aruurinaayay  maalmo ayuu Deg deg iigu Celiyay oo uu Yiri adiga ayaa Dalkii ku laabanee ee horay u qaado, anaa kuu dhameynaa Tigitka iyo Go-Homeka Marka waxaan oran karaa ,  Abuukar dhaqane oo ah Maamulaha Dhaqane Travel Agency  waa uu iga Duceestay”ayay tiri Hoyo Xaliimo  oo aad u ilmaynaysa oo aan kula kulmay afaafka hore ee Xarunta Mash iyo Suuqa Sarifka oo ah Xarunta uu dagan yahay ,  Abuukar dhaqane oo ah Maamulaha Dhaqane Travel Agency and Cargo.

Sidoo kale Dhaqane Travel Agency and Cargo  ayaa waxaa laga Helaa Visooyinka Cimrada iyo xajka, waxaana laguu samayn Qiimo dhimis aad u heer saraysa.

Kala soco Qeybta Kale Warbixintaan

W/Q/ Wariye Cabdixakiim Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post