792 Views

xoghayihii hore difaaca Mareykanka ahana maskaxdii qorsheysay dagaalkii Ciraaq oo geeriyooday.

xoghayihii hore  difaaca Mareykanka ahana maskaxdii qorsheysay dagaalkii Ciraaq oo geeriyooday.
____________________________________________________________________________

Khamiis: Luliyo 1 2021

Donald Rumsfeld, oo laba goor soo noqdey xoghayihii difaaca Mareykanka, laguna tilmaamo maskaxdii qorsheysay dagaalkii Ciraaq, ayaa geeriyooday isagoo 88 sano jir ah.

Rumsfeld oo lasoo shaqeeyey maamulkii Madaxweyne George W Bush, ayaa ahaa xubnihii ugu cad-cadaa ee la dagaalanka waxa looggu yeero argagaxisada, ka gadaal markii ay dhaceen weerarkii lagu qaadey daarihii mataanaha ee xarunta u ahaa ururka ganacsiga adduunka, 11-kii bishii September 2001.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkii 2003 ku duulay Ciraaq, iyagoo ku andacoonayey in dalkaas uu heysto hubka wax gumaad, laakiin markii dambe sheegashadaas loo waayay wax caddeyn ah.

Rumsfeld ayaa iska casiley jagadiisa saddex sano kadib xilligiisii labaad, taasoo loogga gol lahaa joojinta colaadda. Wuxuu si adag u difaacay tallaabooyinkii uu qaadey, ha yeeshee khuburo badan ayaa ku eedeeyey go’aamadiisii, kuwaasoo badey dalka Ciraaq iyo gobolkaasba masiibo iyo murugaba.

Habeennimadii Arbacada ayey qoyskiisu sheegeen inuu ku dhintey magaalada uu kasoo jeedo ee Taos, oo katirsan gobolka New Mexico.

Warbixin ay soo saareen ayey ku sheegeen in lixdan sano oo uu u shaqeynayey dowladda Mareykanka uu gaarey guullo waa weyn, oo aan innaba la qiyaasi karin.

Waxey intaa ku dareen qoyska, in kuwii sida wanaagsan u yaqaaney ay u soo baxdey inuu isbedal abadiya ku sameeyey noloshooda, ayna ku xasuusan doonaan sidoo kale kalgacalka iyo xiisaha aan kala go’a laheyn ee uu qabay xaaskiisa Joyce, qoyskiisa iyo dhammaan saaxiibadii.

Markii uu soo gaarey warkan Madaxweynihii hore ee Bush, ayaa ku tilmaamay Rumsfeld inuu ahaa qof aad u tamar badan, maskax badan, daacadnimana leh.

Wasiirka difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in xoghayihii hore ee difaaca ay naftiisu ku riixday inuu ugu shaqeeyo dadkiisa tamar aan kala joogsi laheyn, maskax sarreysa, iyo u hoggaansamidda inuu u adeego dalkiisa.

Taariikh noolaldkii Rumsfeld

Wuxuu ku dhashey Rumsfeld magaalada Chicago sanadkii 1932, isagoo tobanaan sano ku qaatey hawlihiisa gaarka ah iyo siyaasadda. Markii ugu horeysay wuxuu yimid magaalada caasimadda Washington DC sanadkii 1960, isagoo kasoo qabtey jagooyin kala duwan maamulada Madaxweynayaashii hore ee Mareykanka, sida Richard Nixon iyo Gerald Ford.

Sanadkii 1975, wuxuu noqdey wasiir difaac ee Mareykanka oo jagadaasi qabtay kii ugu da’da yaraa, isagoo markii danbana noqdey ninkii uggu da’da weynaa ee jagadaasi loo magacaabo, xilligii uu talinayay Madaxweyne George W Bush.

Wuxuu madax ka ahaa xarunta Pentagon-ka, markii daarihii dhaadheeraa ee Mareykanka lagu weerarey diyaarado la afduubtey. Rumsfeld ayaa kamid ahaa dadkii ugu horeeyey ee gaarey halkii ay mashaqadu ka dhacdey, wuxuuna ka qeyb qaatey sidii loo samata-bixin lahaa dadka ku xanibmay burburka dhismayaashii dumey.

Muddo bil ka yar, ciidamada Mareykanka ayaa bilaabay olole dagaal cirka ah, oo ay uga soo horjeedeen ururka al-Qaacda, oo sheegtay mas’uuliyadda weerarradaas 11-kii September iyo ururka Taliban ee reer Afghanistan, iyadoo xukunka loogga tuurey ururkani toddobaadyo gudahood.

Dareenkii maamulkii markaa jirey ee Bush, ayaa haddana u weecday Ciraaq, kaasoo aan wax kaalin ah ku laheyn weerarkii lagu qaadey Mareykanka.

Rumsfeld ayaa duulaankii Ciraaq ku saleeyay in waddankaas uu haystay hubka wax gumaada, sidaasi darteedna uu halis ku yahay dunida. Lagama helin Ciraaq markii la galey kadib hubkii uu sheegay Rumsfeld.

Rumsfeld, ayaa lagu xasuustaa shirarkiisii jaraa’id ee isdaba jooga ahaa, ee uu mar waliba kula hadli jirey weriyayaasha. Mid kamid ah maalmaha ugu xasuusta badan waxey aheyd sanadkii 2002, markii uu ka bixiyey jawaab jees jees ah su’aal ku saabsaneyd inuu sheego caddeynta uu u hayo in Ciraaq ay haysato hubka nukliyeerka.

Muddo xileedkiisii jagada xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa waxaa hareeyey fadeexadii ka dhacdey sanadkii 2004 xabsiga Abu Ghraib ee dalka Ciraaq, oo ku yaalla meel u dhaw magaalada caasimadda ee Baqdad, iyo sidii loola dhaqmey dadkii looga shakiyey argagaxisada shisheeyaha ee xabsiga laga sameeyey saldhiga Guantanamo Bay, ee dalka Cuba.

Si kastaba ha ahaatee, Rumsfeld ayaa ku dhaganaa diiwaankii wixii uu sameyn jirey markii uu xafiiska joogay. Buuggiisii soo baxey sanadkii 2011, wuxuu cinwaan ugga dhigay “Waxa la ogaa, iyo waxaan la ogeyn”, taasoo uu ku difaacayey go’aamadiisii la xiriirey dagaalkii Ciraaq, laakiin wuxuu muujiyey inuu ka shalaayey hadalo uu hadda kahor jeediyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post