987 Views

Magaalada Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka waxgaradka Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka waxgaradka Galmudug
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Salaadiin, Ugaasyo iyo nabadoono ka qayb galaya shirwayne dhawaan Dhuusamareeb uga furmaya qaar ka mid ah beelaha Galmudug daga, kuwaa oo kaga xaajoonaya arrimo ay ka mid yihiin xoojinta wada-dhaqanka, walaalnimada iyo wadajirka bulshooyinkaasi abtiris wadaaga ah.

Madax dhaqameedkan oo loo sameeyay soo dhaweeyn aad u sareysa ayaa kulan kooban oo hordhac ah la qaatay Ugaas Xassan Ugaas Maxamed ugaas nuur waxaana ka hadley ujeedada socdaalkoodan iyo shirwaynaha ay kaga qayb gali doonaan Dhuusamareeb, Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xassan iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka ku wehliyay socdaalkan.

Ugaas Xassan, Ugaas Maxamed, Ugaas nuur oo ka mid ah madaxda dhaqanka Soomaaliyeed oo wafdigan si gaar ah usoo dhaweeyay ayaa xusey in ujeedka Dhuusamareeb la isugu yimid uu yahay dhameystirka dadaalo mudo dheer soo socday oo lagu adkeynayo wada-dhalashada iyo walaalnimada ka dhexeysa beelaha yeelanaya shirkan.

Magaalada Dhuusamareeb oo marti galineysa shir waynaha ayaa lagu soo dhaweeyay maalmihii u dambeeyay madax dhaqan oo kakala imaanayay meelo kala duwan kuwaa oo daneynaya qabsoomida shirkan kaas oo in mudo ah laiskugu balansanaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post