1212 Views

Madaxweyne Carabey Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dowladda Federaalka

Madaxweyne Carabey Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dowladda Federaalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019–Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa ka hadlay Khilaafka dhex jira Madaxda ugu sarreeysa maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Maxamed Xaashi in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay in ay xal u hesho Khilaafka mudooyinkii dambe ka dhex jira Madaxda Galmudug,isla markaana aysan marnaba raadin xal,waa sida uu hadlka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jahwareer badan uu haatan ka jira Galmudug,hayeeshee mar dhow uu iska dhamaan doono

“Dowlada Federaalka waxa ay ku fashilantay arrintaan in ay Go’aan Cad ka gaarto,xukunto qofka dadka qaldan la socda,si sax ahna arrinta loo dhameeyo,Runtii aniga iyo Madaxweyne Xaaf ma jiro wax Khilaaf oo naga dhexeeya”ayuu yiri  Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya,iyadoo uu khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Madaxda sare ee Gamudug,isla markaana dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer oo horey isku adeyday inay kala dhexgasho,kuwaasi oo haatan kala degan Magaalooyinka Caadaado iyo Dhuusamreeb ee Gobolka Galgaduud.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment