975 Views

C/raxmaan C/Shakuur “Turkiga waa inuu dib u eegaa taageerada Ciidamada Haramcad & Gorgor”

C/raxmaan C/Shakuur “Turkiga waa inuu dib u eegaa taageerada Ciidamada Haramcad & Gorgor”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —MSiyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay dib u eegaan Ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo uu Turkiga siiyo tababaro iyo dhaqaale farabadan.

 

Qoraal uu sii dhigay Siyaasiga Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadaan loo adeegsaday qaab siyaasadeeed,isla markaana ay ka qeyb qaateen dagaalo ka dhacay,Baydhabo,Gedo iyo Dhuusamareeb.

 

 

 

“Ciidamada Haramcad & Gorgor waxaa tababaray oo maalgaliyey Dowladda Turkiga, waxaa loo isticmaalay 4 faa iido siyaasadeed oo sababay khilaaf gudaha ah, waxay qayb ka ahaayeen dagaalladii Dhuusamareeb, Badio & Gedo. Waxaan ugu baaqaynaa Turkiga inay dib u eegaan taageeradooda Ciidamadan ayuu yiri”C/raxmaan C/Shakuur.

 

Hadalka Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay aad loo hadal haayey Ciidamada Haramcad & Gorgor oo dowladda Somalia geysay Magaalada Dhuusamareeb & degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo kana qeyb qaateen dagaalo ka dhacay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment