795 Views

Musharax C/raxmaan C/shakuur oo bilaabay ololaha doorashadiisa

Musharax C/raxmaan C/shakuur oo  bilaabay ololaha doorashadiisa
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Kadib markii dhawaan heshiis rasmi ah laga gaaray arrimaha doorashooyinka oo in muddo ah uu muran ka taagnaa heshiiskaas oo ay si wadajir ah u wada saxiixeen madaxda shanta dowlad goboleed Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemaya u diyaargarowga ololaha doorashada iyo kulamo looga hadlaayo arrimaha doorashada.

Kulamada ololaha doorashada ayaana waxaa wada musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka kuwaas oo markii hore cabasho ka muujiyey hanaanka ay dowladda Soomaaliya u martay doorashada kadib markii uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu magacaabay guddi doorasho oo muran badan dhaliyey.

Musharaxiinta durba bilaabay ololaha doorashada waxaa kamid ah Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame kaas oo dib u soo dhejiyey boorarkii ololaha doorashada.

Bil kahor ayey ahayd markii uu sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir in uu hakiyey ololihii doorashada, dejiyeyna boorarkii ay ku sawirnaayeen sawirada iyo halku dhigyada uu uga qeybgalaayo doorashada kaddib markii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku dhawaaqay labo sanno oo muddo kororsi ah inkastoo markii danbe ay ka laabteen xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumadiisu ka shaqeyn doonto doorasho hufan oo dalka ka dhacda kadib markii heshiis laga gaaray doorashooyinka dalka, iyadoona maamulada qaar iyo guddoomiyaha Aqalka sare ay Ra’iisulwasaare Rooble u soo gudbiyeen guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post