1083 Views

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb-galay shirkii Wasiirada Ganacsiga Afrika

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo  ka qeyb-galay shirkii Wasiirada Ganacsiga  Afrika
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii lixaad ee ay yeeshaan Wasiirada Ganacsiga dalalka Afrika ee ku bahoobay heshiiska urur Ganacsiyeedka Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika ( Africa Continental Free Trade Ara).

Shirka waxa looga hadlayey dhammeystirka heshiiska iyo sidii loo bilaabi lahaa dhaqan-gelintiisa Afrika dhexdeeda. Waxa kale oo uu sheegay in loogga hadlay sidii wadamada Afrika ay iskaashi uga sameyn lahaayeen horumarinta dhinacyada Ganacsiga iyo sidoo kale siddii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee ka jira Qaaradda Afrika.

Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo shirka ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa xusay in shirkani uu daba socday shir hore ee Agaasimeyaasha Ganacsiga Afrika ay ku yeesheen dalka Ghana.

Wuxu sidoo kale ka hadlay, waxyaabaha uu heshiiskan ganacsi u so kordhin karo ganacsiga Soomaaliya iyo midka guud ahaaneed ee Qaaradda Afrika isaga oo carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka helayso suuqyo ganacsi oo caalami ah oo loo dhoofiyo wax-soo-saarka dalka iyo sidoo kale inay noqon doonto xudunta isku xirka qul-qulatooyinka ganacsiga Adduunka ee mari doona badweynta Hindiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post