1869 Views

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Waxbarashada

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Waxbarashada
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada isagoona yiri:

“Waxaan leenahay soo dhawow mudane Wasiir, waxaan kuu balan qaadeynaa inan si wanaagsan oo qalbi furnaan ah aan kuula shaqeyno”ayuu yiri wasiiru dowlaha waxbarashada.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda uu ku hagi doono siyaasad hufan isaga oo kaashanaya madaxda kale iyo howlwadeenada wasaaradda.

“Waan ku faraxsanahay in la igu aaminay siyaasadda waxbarashada dalka, waxaan rajeynayaa inaan sameeyo isbedel wanaagsan oo aan hormarino waxbarashada dalka, waana u mahad celinayaa cidii masuuliyaan igu aamintay”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gaba gabadii hadlay ayaa muujiyay in wasaaradda waxbarashadu ay tahay meel laga jiheyn karo bulshada.

“Wasaaradda Waxbarashadu waa meesha kaliya ee laga jiheeyo Bulshada dal bu buray oo jahli kasoo kasoo kabanaya, waxaana rajeynayaa in wasiirka cusub oo shaqo wanaagsan qaban doono”ayuu yiri ra”iisul was are ku xigeenka dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment