Baledweyne | February 11, 2017 – Odayaasha iyo duubabka kale ee magaalada Baledweyne ayaa shaaca ka qaaday iney magaaladaas kusoo dhaweyn doonaan madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
DHAGEYSO
Odayaal dhaqameedkan oo uu ka mid yahay Ugaas Xasan ugaas Khaliif ayaa ka dalbanaya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Farmaajo, inuu xilka ra’iisul wasaaraha siiyo qof kasoo jeeda gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya, Mudane Farmaajo ayaa la filayaa tallaabada ugu horreysa inay noqoto marka loo caleema saaro inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub oo ay isku haystaan siyaasiiyin badan.
.
.
Xigasho: Horumar Online
__________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________