3084 Views

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Garsoorka Dalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Garsoorka Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 03, 2016: Dr. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay jiri karaan mararka qaar qaladaad ka dhaca Garsoorka.

XeerIlaaliyaha waxa uu sheegay Boqolkiiba Boqol in hada aanay jirin Garsoor rasmi ah oo dalka ka howlgala, laakiin waxa uu qiray in uu jiro Garsoor Boqolkiiba Boqol aan jicanayn.

Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in dib u dhis balaaran lagu sameyn doono Hay’adaha Garsoorka Dalka, sidoo kalena Dowladda Federaalka arrimahaasi hada ay ku maqantahay.

Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay baahinta xafiiska xeer Ilaalinta ee Maamul Goboleedyada Dalka, isagoo sheegay in hada inta badan xafiiska Xeer Ilaalinta uu ka howgallo meelo badan oo waddanka ka mid ah.

Waxaa la ogyahay in dadka shacabka ah ee adeega Garsoor u doonta Hay’adaha Garsoorka Dalka ayaa inta badan waxa ay ka cawdaan hababka ay go’aanada u gaaraan Maxkamadaha Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment