228 Views

Dab xoog leh oo qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha iyo Qasaaraha ka dhashay oo soo kordha saakay

Dab xoog leh oo  qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha iyo Qasaaraha ka dhashay oo soo kordha saakay
____________________________________________________________________________

.

Axad: January 22, 202

Dab xoog leh ayaa goordhow qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha, waxaana socda gurmad xooggan oo lagu daminayo dabka, si loo badbaadiyo hantida taalla suuqa.

Gaadiidka dab-demiska ee dowladda hoose iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa deg deg u gaaray suuqa, si loo baqtiiyo dabka.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay inay deg deg u tageen suuqa.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo badan laga qabo in dabka la xakameeyo, oo aad uusan ugu faafin suuqa qeybihiisa kale.

Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, wuxuuna dabkaan ugu yaraan sanadkiiba hal mar suuqaas ka geystaa khasaare hinti oo aad u badan.

Weli lama ogaan sababta dhalisay dabkaan, laakiin waxaa la xaqiijiyey in qeybta gubaneysa ay tahay qeybta Dahabka lagu iibiyo

Gubashada soo noqnoqotay ee suuqa Bakaaraha ma jirto cid ogaatay ilaa hadda sababta ka dambeysa.Dowladdu ma baarto sababta keenta dabkaan sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqaan weyn ee Bakaaraha, sidoo kale ganacsatada suuqa ayaa lagu eedeeyaa in taxadarkooda uu aad u hooseeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post