1587 Views

Ciidamada Xoogga oo la wareegay degaano ku yaalla Hiiraan

Ciidamada Xoogga oo la wareegay degaano ku yaalla Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 10, 2018–Ciidammada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Howlgalo kula wareegay degaano hoostaga degmada Jalalaqsi sidda uu warbaahinta u sheegay Ibraahim Madoobe Nuur oo ah Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi.

“Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay ka sameeyeen degaano u dhow Degmada Jalalasi ee Gobolka Hiiraan waa mid balaaran waxaana Ciidamada ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaano ay  Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Dibileey, Faaxaale iyo deegaano kale”.
Ciidankan oo ka baxay Degmada Jalalaqsi ayaa isku maray Deegaano dhowr ah, iyagoo aan dagaal kala kulmin Al-Shabaab .

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shacabka ku nool degaanadaasi ay cabasho usoo gudbiyeen Ciidammada Xoogga Dalka iyagoo sheegay in Hanjabaadyo joogta ah ay kala kulmaan Al shabaab sidda uu sheegay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi.

“Howlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka degaanka gaar ahaan Dhalinyaro is abaabushay oo dagaalka lagula jiro Al shabaab ka qeyb qaadanaya, Jifileey, Buurweyn iyo Tuulooyinka yaryar oo ciidamada ay tageen shacabka way ka barakaceen ka dib markii Al shabaab ay Boob iyo dil u geysteen, waxaana Shacabka ka go’an inay iska dulqaadaan Argagaxisada iyagoo inoo soo gudbiya xogo dhameystiran”.ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment