450 Views

Bosaaso oo Qarka u Saaran in markale Dagaal Martigaliso iyo Xiisada oo Cirka iskusii Shareertay

Bosaaso oo Qarka u Saaran in markale Dagaal Martigaliso iyo Xiisada oo Cirka iskusii Shareertay
____________________________________________________________________________

Talaado: July 12, 2022

Ciidan kamid ah kuwa tababarka ku qaadanayay Xerada Xorgoble ee Qardho ayaa isku dayay in ay kabaxaan xerada, ciidamo kale oo kamid ah Ilaalada Madaxtooyada Qardho.

ayaa diiday oo rasaas ama xoog kuceshay ciidankan oo aan hub wadanin, maadaama ay tababar kujireen.

Sababta ay ciidankan ubaxayeen, waxaa lagu sheegay in ay ka careysan yihiin dhacdadii maanta ee magaalada Boosaaso ku dhexmartay ciidamo kawada tirsan kuwa Puntland.

Walaac ayaa laga qabaa, in Iska-horimaadkii garoonka diyaaradaha Boosaaso shalay uu jawiga dib ugu celiyo marxaladihii ay Boosaaso kasoo gudubtay bilowgii sannadkan.

Geeska Afrika.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post