2427 Views

Booliska Soomaaliya oo noqday Booliska ugu Wanaagsan Afrika

Booliska Soomaaliya oo noqday Booliska ugu Wanaagsan Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 27, 2018 –  Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shir Caalami ah waxaa uu uga qeyb galay dalka Mareykanka.

Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed loo aqoonsaday midka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika.

“Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska ugu wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay noqotay dalka kaliya ee ka socda Afrika ee shirkaasi ka qeyb galay.

“Shirkaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Markale taliye Bashiir

SOMALI-POLICE-BEST-3 SOMALI-POLICE-BEST-2 SOMALI-POLICE-BEST-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI         

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment