447 Views

DFS oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiis kasta oo ay wada galaan Somaliland iyo Taiwa

DFS oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiis kasta oo ay wada galaan Somaliland iyo Taiwa
____________________________________________________________________________

Isniin: February 28, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay wada hadalada ku aadan heshiis ay kala saxiixdaan Somaliland iyo iyo Taiwan, waxaa ay heshiis kasta oo ay labada dhinac wada galaan ku tilmaamtay in uu yahay waxba kama jiraan.

Ambassador Cawaale Cali Kulane oo ah Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Shiinaha ayaa sheegay in aysan jirin dunida cid aqoonsan Somaliland iyo Taiwan midna, Isagoo Somaliland ku tilmaamay gobol goonni u goosad ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya islamarkaana aan haysan sharciyad uu heshiisyo ku galo dowlado kale.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri safiirka.

Hadalka Safiirka ayaa imaanaya, iyadoo Xukuumadda Somaliland ay waday waayahaan qorsho ay heshiis kula saxiixaneyso Xukuumadda iyadana ah gooni u goosadka ee Taiwan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post