1329 Views

Wararka kasoo baxay qarixii maanta kadhacay wadada Dabka

Wararka kasoo baxay qarixii maanta kadhacay wadada Dabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 17, 2019 – Qarixii maanta ka dhacay wadada dabke agagaarka Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka Xafiiska Booliska Soomaaliyeed war ka soo saareen.

Taliye kuxigeenka Ciianka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday gari noociisu yahay  Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ee Magalada Muqdisho.

“Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Taliye Zakiya.

Shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqday inay  in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991, sidoo kale waxa ay dalbatay in qof walba uu fiiro u yeesho halka uu dhigayo gaarigiisa.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment