822 Views

Boqorka Sacuudiga oo farriin culus u diray Madaxweyne Trump

Boqorka Sacuudiga oo farriin culus u diray Madaxweyne Trump
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Boqorka Sacuudi-Arabiya Salmaan bin Cabdilcasiis ayaa madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump u sheegay in wadamada Khaliijka ay doonayaan xal caadil ah oo kama danbays ah oo laga gaaro qadiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo hindisihii carabta ee 2002dii.

Labadan mas’uul ayaa ku wada hadlay qadka taleefanka, kadib qorshihii Maraykanka uu gar-hayeenka ka ahaa ee Imaaraadka Carabtu ku noqday dalkii 3aad oo carbeed ee caadiyeeya xiriirka Israa’iil.

Boqor Salmaan wuxuu ku yiri Trump “Sacuudi-carabiya waxay doonaysaa xal joogta ah oo caadil ah oo laga gaaro arrinta falastiin,waxaana loo baahan yahay in Maraykanku taageero.

Hindisahii nabadda ee 2002 ayaa caadiyayntay xiriirka Israa’iil ku xirayay shuruudaha kala ah, in la helo dal madaxbannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo in Israa’iil ka baxdo dhulkii carbeed oo ay qabsatay dagaalkii 1967.

Sacuudi- Arabiya waa Ubucda Islaamka, waxaana ku yaalla goobaha ugu xurmada badan Muslimiinta, walina ma aqoonsan jiritaanka dalnimo ee Israa’iil.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post