468 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo si deg deg ah ku tegay degmada Maxaas

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo si deg deg ah ku tegay degmada Maxaas
____________________________________________________________________________

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Maanta gaaray Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan oo aay ku suganyahiin madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar wasiiro iyo xildhibaano ka’tirsan Dowlad Gobaleedka Hirshabelle.

Guddoomiye Cali jeyte ayaa warbixin guud siin doono madaxda Dowlad Gobaleedka Hirshabelle sida guulaha howlgalka laga gaaray Deeganada la saaray  iyo dhibaatooyinka Al-shabaab ay u geysteen degaannada laga saaray oo ay ka sii Bur-buriyeen dhamaan adeegyadii muhiimka u Ahaa nolashii shacabka.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle ayaa maalmahan ku sugnaa Degmada maxaas ayagoo horey usoo maray Degmada Buulo-burde oo kuur’galayay Xaaladaha Degmooyinka iyo Sii dhiiri-gelinta Howlgalada ka Dhanka Ah Qawaariijta Al-shabaab ayagoo la Dareen Shacabka dhibaatooyinka gaareen.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa Xusay in guulo waa weyn laga Gaaray Howlgalkii Al-shabaab wajigiisii Koowaad Ayadoo laga sii cirib tiri doono deeganada kale ee Aay ku Dhumaaley’sanayaan Walina uu socdo.

Waxaa xusid mudan in dhamaan Degmooyinka Matabaan,maxaas iyo Beledweyne  ay yahiin meelo aan lagu arkeyn Al-Shabaab si wadajir ahna ay u furanyahiin isku Socodka Gaadiidka iyo Dadka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post